MADAXWEYNE KU-XIGEENKA JUBALAND OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRADA

Kismaayo, 03, Maarso, 2022- Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada.

Kulanka ayaa ugu horeeyntii looga hadlay xaalada amniga, doorashada, iyo abaaraha oo wali ka jira deegaanada Jubaland iyadoo warbixintaa uu jeediyey Madaxweyne kuxigeenka.

Warbixinada guud kadib Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Jubaland ayaa golaha wasiiradda oga warbixiyey xaalada isbitaalka guud ee Kismaayo oo dib u habeen ku sameeysay Wasaaradda iyo isbitaalka Buurdhuubo, sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in la wado dhismaha qaybo kale oo lagu soo kordhin doono isbitaalka, iyo sadex xarumood oo ah (MCH) kuwaa laga hirgalin doono magaalada si loogu adeego baahiyadka bulshada.

Golaha waxa uu ansixiyey sharciga shaqaalaha aan Dowliga aheyn iyo sharciga shaqaalaha ajaanibta ah ama shisheeya kaa oo horey golaha loo horkeenay waxaana la ansiyey dood badan oo ay golaha ka yeesheen kadib.

Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubaland waxa ay golaha usoo gudbisay xaaladda ka jirta deegaanka gaar ahaan dhinaca abaaraha, dhireeynta beero ay Dowladda gacanta ku heyso, xaaladda dalxiisayaasha iyo caqabadaha hortaagan wasaaradda.

Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Jubaland waxa ay iyana ka warbixisay tababar ay wasaaraddu u qabatay boqol haween ah oo ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Shirka Golaha wasiiradda ayaa inta uu socday waxaa lagu casuumay Dr. Cabdi Shire Warsame oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo qoray buugaag badan oo waxtar leh isla markana mudo kusoo jiray siyaasada iyo diblumaasiyada, golaha ayuu usoo jeediyey buugiisa uu ugu magac daray ( Diblomaasyadda iyo Dunida )

                      DHAMMAAAD.