Haweenka Nugaal oo ku dhawaaqay in ay samaysanayaan Isin ugaar ah

Gabdhaha Beelweynta Ciise Maxamuud,ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen bixinta Qaaraanka Tolka ayna Isin ugaar ah samaysanayaan.

Gabdhuhu ,waxay ka caraysan yihiin diidmada loo diiday in ay qayb ku yeeshaan Kuraasta Xildhibaanimo ee Beesha.

Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase,ayaan ogolayn in ay Gabdhaha ku daraan Siyaasiyiinta utartanta Kuraasta Xildhibaanimo.

Sidoo kale Beesha Ciise Maxamuud,ayaa ah mida kaliya ee aysan Gabdhuhu wax matalaad ah ka dhex helin,markii la ag dhigo Labada Beelood ee Maxamuud Saleebaan ee Cismaan iyo Cumar.

Carada ka dhalatay Gudoonka ugaar ah Isimada waxay fulkaano ku dhex noqotay Beesha oo haatan gaartay in xataa Gabdhuhu ku hanjabaan in ay samaysanayaan.l Isin ugaar ah.