Wasiirka Maaliyada Puntland oo laga codsaday in uu iscasilo

Suldaan Siciid Maxamed Garaase,ayaa Xasan Shire ka dalbaday in uu iscasilo oo kursiga Wasiirka Abokor Ciise la siiyo Idiris Ugaar.

Ilaa iyo hada Xasan Shire ma aqbalin dalabka Suldaanka.

Sidoo kale Beesha idiris Ugaar oo aan haldoorkeeda,wax ka waydiiyay arinkan,waxay ii sheegeen in aysan uhakanayn wararkaas la sheegsheegayo.

Suldaanku,waxuu isku dayayaa in uu damiyo carada Beesha Idiris Ugaar iyo Isinka ay soo wadaan.

Dhawaan,ayaa la filayaa in Idiris Ugaar ay ku caano shubi doonaan Ugaas ay yeelanayaan.

Jibril Qoobey.