MUXUU SOOMALIDA KULA DARDAARMAY ABIY AXMED ?

Mid kamida ergadii Soomalida ayaa maanta su’aal ka keenay Barnaamijka siyaasadeed ee Barwaaqo,wuxuuna soo jeediyay in lagu noqdo siyaasadda xoolla dhaqatada ku wajahan.

Abiye Ahmed oo arrintaas daba socda ayaa Soomalida usoo jeediyay arrimahan hoose: ⤵️

1.Soomalidu inay midnimo la timaado,wuxuuna xusay inay is kala qaad-qaado(Ciise & Ogaaden).

2.Maamulka Soomalidu inuu bulshada addeeg fiican siiyo.Abiye Ahmed,wuxuu sheegay inay hayaan xog tibaaxaysa inaan si hufan dadka loogu addeegin.

3.Abiye Ahmed ayaa Soomalida usoo jeediyay inay xadidaan musuqa/tuugganimada(Dhanka maamulka).


VOSS TV