Video:-Madaxweyne Deni oo qaabilay wafti ka socda QM iyo Midowga Afrika

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafti ay hoggaaminayso.

Waftiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Maxamed Cabdi oo ka socda IGAD.

Kulanka,ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka