Goormaa la dhaarin doonaa Xildhibaanada cusub Ee Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka

Bayaan xaley saqdii dhexe ay soo saareen Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ee Somaliya,ayaa waxey shaaciyeen jadwalka dhameystirka doorashada.

Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.

Guddiga,ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bisha 3-aad illaa 23-ka bishan lasoo uruurin doono dukumiintiyada Xildhibaanada labadda Aqal, isla markana guddigu ay hubinta dukumintiyada qaadan doonto 24-ka bishan illaa 29-ka bishan.

Xildhibaanada la doortay ee labada Aqal, ayaa lasoo xareyn doonaa, oo Muqdisho imaan doona 2-da illaa 4-ta bisha April ee bisha soo socota.

Guddiga,ayaa sheegay in 14-ka bisha April la dhaarin doono xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.