Maxay tahay farriinta uu gudbinayo Gantaalka Pyongyang ?

Guud ahaan, waa mid kalsooni buuxda leh.

Gantaalka waxaa laga ganay garoonka diyaaradaha ee Pyongyang Sunan, haddii gantaalka lagu guuldareysan lahaa wuxuu burbur xooggan gaarsiin lahaa garoonka diyaaradaha iyo dhismooyinka ka ag dhaw.

Gantaalka Hwasong-17- waa hub uu si weyn ugu faano hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Wuxuu farriin u diraya caalamka- gaar ahaan Mareykanka- oo uu u sheegayo in Kuuriyada Waqooyi ay gantaalka ku garaaci karto meel kasta oo dunida ka tirsan waa haddii lagu soo xaadgudbo.

Farriintan qaabka filimka Hollywood-ka loogu diray waxaa uu dareen ka dhaliyay gudaha Kuuriyada Waqooyi.

Gantaalka riddada dheer ee Hwasong-17 ayaa sannadkii 2020-kii markii ugu horeysay lagu daah furay dhoolatus militari markaas oo cabirkiisu amakaag ku riday xitaa falanqeeyayaasha iyo khibrada hubka ee caalamka.

Kuuriyada Waqooyiga waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada ugu badan adduunka waxaa ciidankeeda lagu qiyaasaa hal milyan halka kuwa keydka ku jirana lagu qiyaaso ilaa 600,000.

Inta badan qalabkeeda waa duugoobay, laakiin ciidamadeeda caadiga ah waxay weli waxyeelo weyn u geysan karaan Kuuriyada Koonfureed haddii uu dagaal dhaco.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ku sugan ku dhawaad ​​tobanaan kun oo ciidamo gaar ah kuwaas oo la filayo in ay gudaha u soo galaan koonfurta hadii uu wax iska hor imaad ah dhaco .