Madaxweyne Deni oo kasoo baxay isqarintii shaaciyayna kulamo uu la qaatay DPWorld iyo….

Kama darin iftiimintayadii oo Deni,waxuu aqbalay in uu Bulshada ogaysiiyo halka uu joogo iyo waxa uu ujoogo.

Maanta,waxuu la kulmay Madaxda Shirkada DP World ee maamusha Dekeda Bosaso.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta FC-ga Madaxtooyada Puntland,waxaa laysku afgartay in dhakhso loo dhaqaajiyo balaarintii iyo dhismihii Dekeda Bosaso oo mudo laga sugayay DP World.

Inkastoo uusan warkan faahfaahsanayn hadana,waxuu dhaamaa ugu yaraam isqarintii Bulshadu karahsatay.

Waa bogaadinaynaa in Deni garowsaday in uu sido maqaam Umadeed oo uusan ahayn Ganacsade dantiisa ubaxay.

Dhanka kale,Madaxweyne Deni,waxuu booqasho ugu tagay Garaad Saleebaan oo xaalad caafimaad ujooga Dubai.

Jibril Qoobey.