Alshabaab oo iska fogeeyay Warkii Nisa Ee beegsiga Madaxda Qaranka

Ururka Alshabaab,ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey’adda NISA.

“Ururka Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha Somaliya”Ayaa lagu yiri warkii kasoo baxay Nisa.

Sarkaal uhadlay Alshabaab oo Waraysi siiyay Idaacada Somalimemo oo ay badanaaba isticmaalaan,ayaa yiri..

“Sheegashada @HSNQ_NISA ay tahay mid lagu qoslo. Sarkaalkan,ayaa diiday in Madaxda Somalida ay bartilmaameed u yihiin Al-Shabaab waxa uuna ku dooday in NISA aysan lahayn awood ay ku ogaato weerarada Al-Shabaab”

Alshabaab waxay kaloo iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsiga ay Magaciisa hey’addaasi sheegtay in uu weerarkaasi qorsheynayo.

Inta badan Siyaasiyiinta Somalida,ayaa ka falceliyay hadalka Nisa,waxayna ka sinaayeen tuhun weyn oo ay ka qabaan isku milan dhexmaray Nisa iyo Shabaab.

Dadku intooda badan,waxay qabaan in uusan jirin weerar ka imaanaya Shabaab ee Nisa ay wado qorshe ay ku khaarajinayso Rooble,isla markaana jidmar ay ka sii dhiganayso Farmaajo.

“Qoraalka Nisa shaqo kuma leh sugid amni ee waa mid looga jeedo…

  1. Afeefasho.
  2. Cabsi galin.
  3. Arbush/jahawareerin bulsho ama wal-wal dil.

Sidaa waxaa qaba mid ka mid ah Aqoonyahanka Somaliyed oo xog ogaal u ah xaalka Dalka.