Cali Xarbi Cali oo ahaa ninkii dilay xildhibaankii UK oo xukun lagu riday

Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’iin ka dib markii lagu helay dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabo Sir David Amess.

Xildhibaanka oo laga soo doortay deegaanka Southend West ee magaalada London ayaa 20 jeer toorrey la geliyay 15-kii October 2021.

Xeerbeegtidii qaadeysay dacwadda Cali ayaa waxay keliya ku qaadatay 18 daqiiqo iyagoo sidoo kale xukmiyay inuu qorsheynayay falal argagixiso.

Cali oo ka soo jeeda Magaalada Kentish, waqooyiga London, hayaa hore u beeniyay eedeymahaas wuxuuna sheegay in sababta uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay inuu u codeeyay duqeymihii Suuriya.

Kaddib weerarka, Cali ayaa sheegay inuu doonayay in “xildhibaan walba oo saxiixay duqeyntii Suuriya, isla markaana oggolaaday dagaalkii Ciraaq, uu dhinto”.

“Waxaan u sameeyay Suuriya darteed,” ayuu yiri Cali. “Waxaan u sameeyay dadka aan waxba galabsan dartood. Waxaan u sameeyay duqeynta darteed. Wuu mudnaa inuu dhinto.”

Wuxuu intaa raaciyay: “Wuxuu ahaa dil uu fuliyay nin dhalinyaro ah oo sanado badan qorsheynayay weerar uun, isla markaana ahaa haddana ah argagixiso xagjir ah.”