Yaa fuliyey weerarkii shalay ka dhacay magaalada New York?

Booliska iyo saraakiisha federaalka ayaa raadinaya nin lagu tuhmayo weerar toogasho ah oo shalay ka dhacay goobta tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada New York, halkaasi oo uu ku dhaawacay in 23 qof kahor inta aanu ka baxsan.

Weerarka oo dhacay saacadihii hore ee Talaadadii xilli dadka ay u kala ordayeen shaqooyinkooda ayaa ah dhacdadii ugu dambeysay ee rabshado sanadihii tegay hareeyey nidaamka tareenada magaalada.

Booliska ayaa sheegay in 10 ka mid ah dadka ay si toos ah u haleeshay rasaasta, kuwaas oo shan ka mid ah ay dhaawacyadooda daran yihiin balse xaaladduodu degan tahay, halka 13 qof oo kale ay ku dhaawacmeen kala orodkii dhacay.

Dhammaan dadka dhaawaca ah ayaa la filayaa inay badbaadaan, sida ay booliiska sheegeen kuwaasi oo yaboohay abaal-marin dhan $50,000 oo lagu bixinayo akhbaar hoggaamin karta in lasoo xiro tuhmanaha.

Baaritaanka horudhaca ah ayaa diiradda lagu saarayaa nin lagu magacaabo Frank James oo la rumeysan yahay inuu watay baabuur nooca U-Haul ah oo uu goobta kaga tegay, kaasi oo sidas la rumeysan yahay uu kasoo kireystay magaalada Philadelphia.

Booliska ayaa sheegay inay furaha gaariga ka heleen goobta weerarka, islamarkaana James uu deegaan ku yahay Philadelphia iyo gobolka Wisconsin.

Madaxa booliska New York (NYPD) Keechant Sewell ayaa weriyayaasha u sheegay in weerarka aysan illaa hadda ula macaamileyn weerar argagixiso.

Weli ma cadda waxa dhiiri-geliyey weerarka, hase yeeshee baarayaasha ayaa helay qoraal uu nin lagu magacaabo Frank James soo dhigay baraha bulshada, oo uu kaga hadlayo hoy la’aanta iyo duqa magaalada New York.

Goobjoogeyaal ayaa ninka weerarka fuliyey ku qeexay mid jir dhismeedkiisu xoogan yahay, xirnaa jaakad oronjo ah, fanaanad giriijie ah, koofida dhismooyinka oo cagaaran iyo mask.

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha uu riday 33 xabadood, balse uu kadib qoriga ka cilladoobay, taasi oo horistaagtay in khasaaraha uu intaas ka bato.

REUTERS