Dagaal ka socda Gudaha Magaalada Hargaysa

Rasaas daran doori ah ayaa ka dhacaysa gudaha hore ee Xabsiga dhexe ee Hargaysa.

Ciidamo farabadan oo gurmada ayaa hadda la wareegay aaga xabsiga oo u badan ciidanka asluubta kuwaas oo daqiiqad daqiiqad iska soo dabadhacaya.

Ciidamada gaarka u tababaran ee RRU ayaa iyaguna hadda lagu xoojiyay ciidanka Asluubta oo xidhaya wadooyinka gala xabsiga .