Halkee marayaa diyaargarowga Doorashada Kuraasta Ceel-waaq ?

Wali Ergadii doorashada ee Ceelwaaq ma bixin,waxaana jira xoogaa dagaal hoosaad dhanka diyaaradaha ah oo lagu wado,balse waa xalismaysaa oo ma’ahan caqabad weyn.

8-Xubnood oo ka mid ah 16-ka Kursi,ayaa la hor shaacin doonaa ilaa Caawa.

Ka hor Isniinta soo socota,waxaa lasoo gabagabaynayaa Xildhibaanada Gedo.

Dhanka kale Diyaarad uu la socday Col.Cabaas oo ah Talyaha Ciidanka Ceelwaaq ee Jubaland,ayaa shalay kasoo baxday kismaayo tagtayna Dhoobley.

Col.Cabaas,ayaa Ciidan dheeriya ka sii kaxaysanaya Dhoobley.

Ceel-waaq,waxaa horay usii joogay 300-Askari oo hoos taga Dowlada Jubaland.