Maxay tahay sababta Teendhada Afisyoone loogu laabanayo??

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar,ayaa usheegay xildhibaanada goob aan ahayn Villa Hargaysa uu ka dhici doono kulanka doorashada Gudoonka Golaha Shacabka.

“Labadii kulan ee ugu dambeeyay ee aan ku shirnay xarunta Villa Hargeysa marna hoobiyaa,ayaa lagu soo tuuray marna rasaas lala dhacay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa si meesha kuleel daran u noqoto oo aysan xildhibaanadu ufariisan”.Ayuu yiri Xil.Cabdirisaaq.

Sabab amaan darteed,ayaa fadhiga Xildhibaanada loogu wareejinayaa Teendhada Afisyoone ee ay aadka u ilaaliyaan Ciidamada Atmis.

Jibril Qoobey.