Wiil lagu naanaysi jirey “Atooraha Badda” oo xalay la dilay

Alle ha unaxariistee, waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmada Hodan, Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” waxaana dilka fuliyay sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen dabley hubaysan.

Cismaan Salaad Daahir ayaa ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, isaga oo baraha bulshada ka soo muuqan jiray xilli uu ku gudo jiro hawlaha samafalka ah ee uu wado.

Dad aad u badan ayaa ka falceliyay geerida marxuumkan, iyada falacelinta ka dhalatay muujinayso sida dad badani u yaqaanneen, sida oo kalena u dareemeen geeridiisa.