Kolonyo uu hogaaminayay Col.Saney oo Askar badan laga laayay

Ugu yaraan 10 Askari ayaa lagu dilay qarax miino oo xalay saqdii dhexe loo dhigay kolonyo uu la socday Col Saney Cabdulle inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo Balcad.

Kornayl Saneey Cabdulle oo ahaa sargaalka qaraxa lagu weeray ayaa ka badbaaday sida ay VOA u sheegeen ilo warned degaanka ku sugan.

Sarkaalkan,ayaa ku socday magaalada Jowhar, si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladaasi.

Askarta geeritootay ayaa loo qaaday Jowhar, halka kuwa dhaawacmayna loo celiyay magaalada Muqdisho.