Gudoomiyaha cusub Ee Golaha Shacabka oo xilkii la wareegay

Waxaa soo xirmay kulankii xildhibaanada Gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Fadhiga,ayaa inta uusan furmin waxaa hareeyay buuq ka dhashay xubnihii Garbahaarey oo lasoo galiyay xarunta Villa Hargeysa.

Kadib Xarunta Baarlamaanka,ayaa laga saari waayay Xubnaha Garbahaarey ee soo galay xarunta,iyadoo la go’aamiyay in ay kulanka iska fadhiyaan intii buuq hareen lahaa munaasabada xil wareejinta.

Ugu horeyn,waxaa xilka wareejiyay guddoomiyihii KMG ee Gollaha Shacabka Xildhibaan Dhabancad.

Kadibna Guddoomiyihii hore ee Gollaha shacabka Maxamed Mursal,ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub Aadan Madoobe.

Fadhiga Maanta ee Gollaha shacabka,ayaa ku koobnaa xil wareejin.

Afarta Bisha May,ayuu Gudoomiyaha cusub ku dhawaaqay in uu noqonayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Qodobada horyaala Baarlamaanka fadhigooda 4-ta Bisha,ayaa kala ah…

1.Gudiga Doorashada Madaxweynaha.

2.Ansixinta Miisaaniyada.

3.Go’aanka ka gaarista buuqa Garbahaarey.