Video:-Ma sii socon kartaa Dimuqraadiyayntii Puntland?

Dimuqraadiyayntii Puntland ma sii socon karto.

Dowlada Deni inta ay hada ka gashay ee 3-Degmo ku kooban wax ka badan kuma sii kordhin karto Barnaamijkan.

Caqabadihii horay uhaystay,waxaa ugu darsoomay hab dhaqankii Madaxweyne Deni ee raadinta Madaxweynaha Fadaraalka.

Saakay Deni iyo Aaran waa kala tageen,waxayna Aaran udiyaar garoobayaan Kursiga Madaxweyne ee Puntland 2024,kaasoo loo marayo Doorashadii 66-da.

Bari lagama soo dhaweyn doono sii socoshada Dimuqraadiyaynta Deni rabo in uu mudo kororsi ugu gabado.

Mudug waa meesha kaliya oo aan si weyn looga diidanayn sii socoshada barnaamijka Dimuqraadiyaynta,balse xoog hor istaagi karaa oo diidan uu kasoo bidhaamayo.

Dad badan,ayaa qaba in kaliya loo baahan yahay dhamaystirka arimaha muhiimka u ah barnaamijkaas oo ay ugu horeeyaan…

1.Dhisida Golaha Deegaanka la doortay ee Eyl.

2.Dhisida Maxkamada Dastuuriga ah.

3.Dhisida Gudi awood uleh hagida barnaamijka.

Sida muuqata Deni iyo Dowladiisa waxa kaliya ee ufuran hadaysan qar iska xoornimo ku kabayn,waa gaarsiinta Dalka Doorashadii laysla yaqiin ee 66-da Xildhibaan ay Beeluhu iska soo dhex xulaan.

Halkan ka daawo muuqaalka