Wararka Xanuunka Putin oo soo shaac baxaya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay wararka in muddo ah la isla dhex marayay ee la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Vladimir Putin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine waxaa soo baxayay hadal-hayn ku saabsan in uu xanuunsan yahay Putin.

Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Axaddii beeniyay sheegashooyinka noocaas ah, isagoo sheegay in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya inuu xanuunsan yahay Madaxweynaha.

Arrimaha ku aaddan xaaladda caafimaad ee Putin iyo noloshiisa khaasha ah waa kuwo xasaasi ka ah gudaha Ruushka oo aan laga hadlin, xitaa madaxduna inta badan kuma soo hadal qaadaan fagaareyaasha iyo warbaahinta.