Shaqaalaha Puntland oo aan helin Mushahaar iyo Gunno ku dhawaad 5-bilood

Mushahaarka shaqaalaha rayidka ah inta badan waxaa loo kala dhigay Gunno iyo mushahaar.

Gunnada,ayaa badan oo hadaad $300 qaadatid $97,ayaa mushahar kuugu soo dhacaysa gunnadana Xafiiskaaga Maaliyadda,ayaa ka doonanaysaa.

April,May iyo June ayey bixisay Dowladu Hal bil oo Mushahaar ah oo bilaa Gunno ah.

4-aad Mushahaar iyo Gunno midna lama bixin oo waa isla maqan tahay,waxayna umuuqataa in meeshaba laga saaray.

Sidoo kale Bishii 5-aad Gunada oo ka badan Mushahaarka meesha,ayaa laga saaray.

Tusaale”

$400,ayaad qaadan jirtay,waxaa kusoo dhacay 15/6/22 $150 oo mushaharkii May ah, $250 oo Gunno ahayd ha sugin Weeye iyana,

Bishii 6-aad,iyada warkeeda lamaba hayo oo waa ha sugin Mushahaar iyo Gunno.

Xisaabtu waa in Shaqaaluhu aysan qaadan 4-bilood oo Mushahaar ah iyo 5-bilood oo Gunna ah.