Maxay kawada hadleen Puntland iyo weftiga ka socday Sweden?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Masuuliyiin ka tirsan mashruuca horumarinta Degmooyinka ee JPLG.

Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Shirka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashruuca JPLG, qorshaha Puntland ee lagu ballaarinayo mashruuca iyo geeddi socodka dhammeystirka doorashada hal cod iyo hal qof ee degmooyinka Puntland.

Dowladda Sweden ayaa dhaqaale ku bixisa mashaariic kala duwan oo ka socda gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.