Puntland:-Doonyo Hub siday oo lagu qabtay Bender-beyla

Warka sheegaya in Doonyo Hub siday kusoo caaryeen Xeebta Bender-beyla ee Puntland waa dhab.

Waxay ahaayeen Labo Doonyood oo u socday Koonfur.

Mid,ayaa degtay, midna waa la qabtay.

Doontii uu saarnaa Hubka faraha badan waa mida degtay.

Doonta badbaaday ee la qabtay,waxaa saarnaa 15-Qoryaha fudud oo Dadka Deegaanka,ayaa qaatay intaan Ciidanku soo gaarin.

Sadex Nin oo Ajanebi ah iyo Nin Somali ah,ayaa lagu qabtay.

Waxaa baxsaday Hal Nin oo Somali ah.

Jibril Qoobey.