Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ku dhawaaqday in 5-Degmo laga soo dabarjaray Xanuunka Malaariyada.

Waxaa maanta ka dhacay wasaaradda caafimaadka xaflad kooban oo lagu soo bandhigayay guulo laga gaaray 5 degmo oo ka mid ah Puntland laga dabarjaray xanuunka malaariyada.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan agaasimayaasha waaxyaha caafimaadka guud iyo caafimaadka asaasiga ah

Ku dhawaaqida in laga dabar goynayo 5 degmo oo mudo 3sano ah laga helin waxkiis ah oo cudurka duumada ah

Madaxa Malaariyada Dr- Abdikariin Husein Hasan oo ugu horayn ka hadlay ayaa yiri:-

“ Mudane wasiir mudanayaal waxaan rabaa inaan maanta idin soo gudbiyo in 5 degmo oo Puntland ah kuwaasoo ku jiray 15 degmo oo soomaaliya laga xushay in laga dabar gooyo cudurka malaariyada, degmooyinka ayaa kala ahaa Galdogob, Burtinle, Garoowe, Eyl, Bandar Bayla.”

Dr Jamaal madaxa Global Fan ayaa isaguna ka hadlay waxaana uu ka yiri:-

“ Waxaan bogaadinayaa shaqada wanaagsan ee wasaaradda caafimaadka gaar ahaan qaybta Malaariyada ay ka qabatay dabargoynta cudurka 5 tii degmo oo saddexdii sano oo la soo dhaafay laga waday baaritaanka xogta la xiriirta helitaanka cudurka duumada.”

Dr- Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ugu danbeyn xaflada ka hadlay ayaa sheegay:-

“ Waxaa farxad weyn noo ah inaan udabaal dagayno hawshii faraha badnayd ee wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha bah wadaagta yihiin soo qabteen ee la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka malaariyada”

“ Waxaan maanta rabnaa inaan halkaan ka sheegno horumar kaas laga gaaray la dagaalanka duumada wajigii hore hadana wali meelaha qara ay ku jiraan, waa wajiga xakamaynta oo macnuhu yahay in xanuunka la xakameeyo meeshiisana lagu joojiyo, degmooyinka Garowe, Eyl,Burtinle, Galdogob iyo Bandarbayla, waxay hada ugudbayaan wajiga ciribtirka cudurka malaariyada, waxaan rajaynayaa magaalooyin kale ku soo darsamaan, sharaf weyn ayay Puntland utahay inaan degmooyin kooban oo 15 ah oo Soomaliya oo dhan ah aan 5 degmo ku yeelano.”

“Ugu danbeyn waxaan markale rabaa inaan uga mahedceliyo hay’addaha WHO iyo UNICEF sida dhaw ee ay markasta noola shaqeeyaan si gaar ah cudurka duumada.”

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.