Ku talaxtagida Caannimo raadinta Ee Baraha Bulshada!!

Waayadan way fududdahay in caan la noqdo isticmaalka internetka dartiis. Da’ yari, baraarug-la’aan, aqoon-yari, ama talooyin qaldan oo la raacay tan ay tahayba, waxaa Soomaalida dhexdooda ku badan dadka caannimada ku raadiya si aan dhaqanka ku habooneyn.

Ku talaxtagidda caannimo-raadinta si guud ayay u saameyn ugu yeelatay bulshada. Sow kulama aha in la joogo markii uu qof kasta ku xisaabtami lahaa mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, gaar ahaan carruurta? Ma fiican tahay in carruurteenna ay halyeeyo ay ku daydaan u arkaan dadka caanka ka ah baraha bulshada oo qaar dhaliilo badan la huwiyo wadaagyadooda iyo dhaqamadooda?

Qorshaha ku darso caannimada aad ku talaxtagtay inay dhammaad leedahay oo maalin un la xiri karo bogga aad noloshaada ku bi’isay.

Tiktok oo caan ku ah muuqaallada gaagaaban waxaa leh shirkad Shiineys ah oo lagu magacaabo ByteDance. Dadka adeegsada tiradooda waxaa sanadkii hore lagu sheegay hal bilyan, waxaana la qiyaasayaa in ay dhamaadka sanadkan tiradaas ku dhowaato labo bilyan