“Baahida Shacabka Puntland la mid ma’ahan mida barakacayaasha Somalida kale”

Baahida Shacabka Puntland la mid ma’ahan mida barakacayaasha Somalida kale ee usoo haajiray Deegaamadooda.

Xalka deg-dega ah ee reer Guuraaga”

1.In Dadka la gaarsiiyo Biyo,Raashin iyo Adeeg Caafimaad.

2.In Xoolaha la gaarsiiyo Biyo iyo Calafka Xoolaha.

Xalka fog ee reer Guuraaga”

1.Waa in Ceel Biyoodyada la badiyo.

2.In Dhul Daaqsimeed loo xiro xiliga Abaaraha iyo in loo diyaariyo Kayd Calafka Xoolaha ah.

3.In Adeega Caafimaadka Xoolaha ee hada magac uyaalka ah si dhab ah looga shaqeeyo.

4.In Adeega Caafimaadka iyo Waxbarashada Dadka reer Guuraaga si weyn looga hawlgalo.

Xalka deg-deg ah ee Magaalooyinka”

Waa in laga kabo Adeegyada Nololeed ee ay ugu waa weyn yihiin…

B.Biyaha
T.Korontada.
T.Caafimaadka.
J.Waxbarashada.
X.Raashinka

Dowladu intay awoodo haysku daydo in ay kabto Adeegyadaas xiligan noloshu adkaatay.

Xalka fog”

Waa shaqo abuur baahida ugu weyn ee dawada u ah Nolosha Dadka kusii adkaanaysa.

Dowladu waxay samayn kartaa barnaamijyo Dadka shaqo loogu abuurayo,iyadoo la hormarinayo adeegyada asaasiga ah,sida..

B.Wadooyinka.
T.Isbitaalada.
J.Iskuulada.
X.Biyaha
Kh.Tamarta

Uma baahna Dhaqaale fara badan oo kaliya ee waxaa lagu hirgelin karaa qorshe lagu dhiirado.

Hadii Dadka shaqo loo abuuro,waxaa isbadalaysa noloshooda,waxaana kor ukacaysa hayntooda maaliyadeed,iyagoo markaa ubabac dhigi kara sicir bararada imaanaya.

Sicir bararku mahan mid Puntland kaligeed ay xalin karto ama ku kooban,balse way la tacaali kartaa oo Bulshada way la qaybsan kartaa isbadalada soo kordhaya.

Dhaqaalaha kooban ee Dowlada soo gala hadii lagu kabo qorshe iyo daacadnimo xaalka nololeed ee Bulshada Puntland wax badan,ayaa laga qaban karaa.

Jibril Qoobey.