Madaxweyne Xasan oo gaaray Jamhuuriyada Jabuti

Madaxweyne Xasan,wuxuu gaaray Jabuti oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Jabuti,waxaa xiriirkeeda xumeeyay Farmaajo.

Si gaar ah Eretereya oo ku ah Jabuti caqabad,ayuu Farmaajo siyaasiyan ka raacay qaybna ka noqday go’doomin siyaasadeed oo lagu sameeyay.

Madaxweyne Xasan aadistiisii Eretereya ee dhawaan,waxuu kala hadlay ka hor intuusan duulin Madaxweyne Geelle si aysan faham khaldan uqaadan,waana ka dhaadhiciyay ujeedka booqashadiisii.

Jabuti in la qanciyo loona arko qayb ka mid ah Somaliya oo Gumaystuhu jaray haatana ah Jamhuuriyad ka mid ah kuwa Geeska,waa muhiim.

Jibril Qoobey.