Muxuu yahay sharciga Golaha Wakiilada Maraykanku ansixiyeen Ee Somaliland taabanaya?

27-kii bishii May ee sanadkan ayuu hindise sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka Hor geeyay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaas oo laga soo doortay degmo ka tirsan Washington.

Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1997-kii, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuur galo sidii Somaliland loola kaashan lahaa howlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale.

Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise sharciyeedka lagu meel mariyay Golaha Wakiillada oo ay shir guddoomiso Nancy Pelosi.

Tallaabada xigta ee hadda lagu howlan yahay ayaa ah in karaaniga uu saxo qodobaynta xeerka, hab qoraalkiisa iyo arrimaha kale ee farsamo ee ee muhiimka ah.

Guddiga Adeegyada hubaysan ee Congress-ka Mareyakanka, oo magaciisa loo soo gaabiyo “HASC” ayaa hagayay xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray.

Waxa ay guddigu sidoo kale Waaxda Gaashaandhigga ee Mareykanka ka codsadeen in ay talooyin ka bixiso sidii loo ballaarin lahaa wadashaqaynta amni ee Somaliland iyo sida ay suuragal u tahay inay Mareykanka ka caawiso ujeeddooyinkiisa militeri ee Geeska Afrika iyo gobolka ku teedsan Badda Cas.

Mareykanka ayaa talis militeri oo baaxad wayn ku leh Afrika, howlaha ugu waawayn ee ay fuliyaanna waxaa ka mid ah la dagaallanka Argagixisada.