Video:-Wararkii ugu danbeeyay Qaraxa Jowhar ka dhacay

Ugu yaraan seddex masuul oo ka mid ah maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo la sheegay inuu ahaa ismiidaamin.

Qaraxa,ayaa loo adeegsaday Gaari xamuul oo lagu soo raray Qalabka dhismaha,waxaana lagu bartilmaamedsaday Hotel Shabelle oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Ururka Al-Shabaab,ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana warbaahinta ururkaasi taageertaa ay sheegtay in qaraxan uu ahaa ismiidaamin.

In ka badan Toban Qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan maamulka iyo xildhibaanada Hirshabeelle,ayaa ku dhaawacmay.

Waa qaraxii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Jowhar.

Halkan ka daawo muuqaalka