Wasaarada Waxbarashada Puntland oo abaalmarisay Ikraan

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa abaal mariyey Ikraan Cabdiraxmaan Cadullaahi oo ahayd Gabdhii kaalinta kowaad ka gashay Imtixanaadkii Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Puntland a 2020.

Xaflad ay si wadajira u-soo agaasimeen Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa lagu Abaal-mariyey, in la siiyo Deeq Waxbarasho fasalka kowaad ilaa Fasalka 12aad ee Dugsiga sare.

In agabkeeda Waxbarasho oo dhamaystran la siiyo Buugaagta ardayda dugsiga sare ee wax ka barata Puntland, oo sannad dugsiyeedka 2022/2023 laga hirgelin doono dhammaan dugsiyada sare ee Puntland.

Ikraan Cabdiraxmaan Cadullaahi ayaa ugu saraysay Imtixaankii Dugsiyda dhexe ee Puntland, misna ah ardayda 1aad ee Gobolka Mudug, misna ah Ardayda kowaad ee Dugsiga hoose dhexe ee siinay ee Degmada Galkacayo.