Yaa maalgaliyay weerarka Shabaab Ee Deegaanka Somalida Itoobiya?

Sadex Bilood ka hor waxaa utagay arimo la xiriira adkaynta Xuduudka Gobolka Afdheer Hogaanka Nabadgelyada ee DDSI.

Kadib,waxaa ku xigay oo tagey Nin u dhaqdhaqaaqa qadiyadaha Amxaarada,waxuu si cad Warbaahinada uga sheegay in Kilinka Somalida Alshabaab dhex fadhiyo.

Xukuumada Deegaanka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Mustafe kama hadlin eedeyntaas kamana difaacin Deegaanka Shaabada argagixisada ee lagu dhuftay.

Dhanka kale,waxaa soo baxaya warar sheegaya in qorshahan yahay Barnaamij isku xiran oo Abiy,Fahad & Cagjar ku midaysan yihiin oo la rabo in Gedo, Bay & Bakool Ciidamada Itoobiya si buuxda uqabsadaan Dowlada Xasan Shiikh-na lagu mijaxaabiyo.

Sidoo kale waxaa jira war kale oo isna leh,waxaa weerarkan ka danbeeya Quwado shisheeye oo Abiy raba in lagu furo Aag cusub iyo khalkhal,Dowlada Xasan Sh.qayb ayay ka tahay mida DDSI ee Mustafe waa og yahay oo cimri dherersi,ayuu ka dhex abuuranayaa maadaama hada lagu dhagan yahay.

Dhankasta oo ay tahay wax weyn,ayaa socda oo la maalgashtay Mustafe Cagjarna jilaa ka yahay.

Jibril Qoobey.