Warkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Liyuu Booliska iyo Alshabaab

Dagaalku weli waa socdaa oo waa lays baacsanayaa.

Waxaa dagaalka ku biiray Ciidanka Mileteriga Itoobiya.

Guusha ugu weyn ee la gaaray,waa in Gacanta lagu dhigay hogaamiyihii argagixisada soo gudubtay.

Ninka la qabtay,waxaa lagu magacaabaa Bashiir Sh.Cabdullaahi,waxuu kasoo jeeda Beesha Cawlyahan ee Ogaden,waxaana mar la qabtay oo la xiray xiligii Madaxweyne Cabdi Iley.

Kadib,waxaa soo daayay Madaxweyne Mustafe oo ka dhigay Gudoomiyaha Degmada God-god,balse Sanad ka hor,ayuu ka qaaday xilkaas.

Shacabka Deegaanka Somalida,waxay sameeyeen gurmad xoog badan oo dhinacyo badan leh,waxaana Dhiig ku deeqday 20-kun oo Dhalinyaro ah.

Inkastoo Dowlada Dhexe Mustafe ku canaanatay sababta Shacabka gurmad loo waydiistay oo loo waayay Miisaaniyadii,waxuuse ku dooday in Bulshadu iskeed isku abaabushay oo uusan waxba kala socon.

Sawirka hoose waa Saraakiisha hogaaminaysa hawlgalka la dagaalanka argagixisada oo kala ah…

1.Jeneral Sakariye
2.Kornel Deeq
3.Kornel Gursum
4.Kornel Maxamed Geele.