Video:-Somaliya oo Masar ku garab istaagtay muranka Biyaha Webiga Niil

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulfataax Al-siisi, ayaa maanta ku kulmay magaalada Qaahira, halkaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku joogo.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Shiikh,ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale Somaliya,waxay garab umuujisay Masar markay timaado muranka Biyaha Webiga Niil ee kala dhaxeeya Itooboya.

“Talaabo hal dhinac ah xal uma ahan muranka Webiga Niil”.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa”id ee labada Madaxweyne.

Halkan ka daawo muuqaalka