Faallo:-MA DURBA HADDANA?WQ.Cabdi Faarax Juxaa

MA DURBA HADDANA?


Soomaaliya waxay si sibiq ak ku dhex fadhidaa Muranka faraha looga gubtay ee biyaha NILE ee ETHIOPIA iyo MASAR.


Madaxweyne SISI waxaad mooddaa inuu Somalia ku gaaday dhimbil dab ah iyadoon weli Dawlad dhisan.


Somalia oo aan 30 sano cago dhigan oo ay labadeeda Webiba uga yimaadaan Ethiopia, Webiga Alshabaabna uga furan yahay gudaha ma dhex geli kartaa Muraka biyaha ee labada dal ee Afrika ugu xoogga weyn oo aan midkoodna har iyada u jiidayn?.


Gaadmada MASAR ee maanta waxaa ka horraysay gaadmadii 1997 markii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee Bosaso ku mudaysnaa ay MASAR si deg deg ah ugu wareejisay QAAHIRA, soona jeedisay in XUSEEN CAYDIID iyo CALI MAHDI noqdaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya.

Taariikh:
CABDULLAAHI YUSUF iyo ADEN GABYOW oo arrintaas ka Carooday, shirkana ka baxay ayaa saldhig u ahaa asaaskii Puntland ee 1998.
Gaadmada maanta maxaa ka dhalan Kara Somaliya dhexdeeda iyo deriskeedaba?