Xisaab-xirka Miisaaniyada Puntland oo kulamo laga yeeshay

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, ayaa maanta kulamo la yeeshay Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka guud iyo Xisaabiyaha guud.

Guddiga oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, islamarkaana ka duuulaya Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda ayaa shirarkan uga dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka guud iyo Xisaabiyaha guud ee DPL aragtidooda Xisaab xirkii 2021-kii, iyagoona su’aalo ka weydiiyey.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland