Video:-Deni oo daah-furay mashaariic isugu jirta Laamiyo,Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-

  • Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.
  • Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.
  • Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.
  • Qorshaha nashqadeynta magaalada

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Wadooyinka iyo horumarinta adeega Bulshada loo hayo.

Halkan ka daawo muuqaalka