Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Alshabaab iyo Ciidanka Itoobiya

Hub fara badan,ayaa laga helay Saldhigyo Alshabaab laga qabsaday.

Sidoo kale Jig-jiga hawlgallo laga fuliyay,waxaa lagu qabtay Xalay Ninkan Odayga iyo waxyaalaha Qarxa oo uu watey.

Ninkan,waxuu kasoo jeeda Beesha Hawiye Duduble.

Talyaha Liyuu Booliska iyo Talyaha Milateriga Itoobiya ee hawlgalka hogaaminaya,waxay gaareen Beledweyne.

Weli,waxaa sii socda hawlgaladii dukhaynta Cirka.

Dhinaca kale Madaxweyne Mustafe,waxuu wel-wel weyn ka qabaa in uu xilka ku waayo fashilka ka yimid argagixisada gudaha soo gashay,xogo la helay oo la isticmaali waayay iyo Nin ay ehel ahaan isku dhow yihiin oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha argagixisada.

Mustafe si uu uga hortago isla xisaabtan iyo in lasoo gole joojiyo,waxuu ka ansixiyay Baarlamaanka Kilinka Gudoomiye iyo ku xigeen Maxkamada oo uu wato.

Jibril Qoobey.