See loola xisaabtamayaa Xukuumad kala bar ay Xildhibaanadu ka yihiin?

Inta badan Golaha Wasiirada ee cusub waxaa laga soo xulay Golaha Shacabka Fadaraalka.

Ra’isalwasaaraha iyo ku xigeenkiisa,ayaa ah Xildhibaano.

16-ka mid ah 27-ka Wasiir oo udhigma 59% waa Xildhibaano.

13-ka mid ah 24-ka Wasiirro-dowle oo udhigma 54%,ayaa Xildhibaano ah.

14-ka mid ah 25-ka Wasiir ku xigeen oo udhigma 56%,ayaa Xildhibaano ah.

Guud ahaan Goluhu waa 76-xubnood,waxaana Xildhibaano ah 43-ka mid ah oo udhiganta 56%.

Waa nasiib darro ina laba hay’adood oo kale madaxbanan lana rabey in iska kormeeraan,islana xisaabtan ina laga dhigo hal hay’ad.

Qodobkan,waxaa loo baahan yahay in Dastuurka Federaalka dib loogu noqdo oo la kala madaxbaneeyo.

Si cad waa in loo qeexaa Xubinka Xildhibaanka ah in uusan ka qaban karin Xil Golaha fulinta ama Garsoorka.

Su’aashu waxay tahay Baarlamaanku ma gudan karaa doorkiisa la xisaabtanka Xukuumada ?