Muxuu yahay qorshaha Itoobiyaanka Ee Somaliya?

Ciidamo Itoobiyaan ah,ayaa galay magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Ciidankan,ayaa fariisin ka dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dooloow.

Waxay kaloo wararku sheegayaan in ay geli doonaan Ciidamada Itoobiyaanku Jubooyinka,Baraawe iyo Dhuusamareeb.

Qorshahooda guud waa Laba arimood oo kala ah…

1.In ay Reer Galbeedka umuujiyaan weli in ay awood leeyihiin saamayna ku leeyihiin Somalida.

2.In ay Xasan Sh. Ku khasbaan rabitaankooda Siyaasadeed ama ay jilbaha udhigaan.

Itoobiyaanku Xasan waxay ka rabaan Sadex Qodob…

B.In uu badalo ra’isalwasaaraha.

T.In uu hoos udhigo xiriirka Masar.

Xasan Shiikh iyo kooxdiisu waa is adkaynayaan weli,waxaana ay hada wefti udireen Uganda si Dowladaha kale ee Ciidamadu ka joogaan Somaliya ay garab uga helaan.

Farmaajo,ayaa isku dayay kuna fashilmay in uu Kenya umaro Wadadaas.

Itoobiyaanku waa fahansan yihiin oo waa la socdaan,waxaana uga filan amnigayaga,ayaa khatar ku jira.

Xasan Sh. iyo kooxdiisu waxay wajahayaan culays Siyaasadeed oo gudaha iyo dibada uga imaanaya.

Jibril Qoobey.