Shiinuhu ma waxuu qorshaynayaa dagaal uu ku qaado Taiwan?

Taiwan waxay leedahay Dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda.

Si kastaba ha ahaatee, tilmaam kasta oo lagu taageerayo madax-bannaanida Taiwan ee madaxda adduunka ayaa ka caraysiisa Shiinaha. Jimcihii, mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in ay joojinayaan wadashaqeynta Mareykanka ee dhinacyo badan, oo ay ku jiraan wadahadal milatari oo heer sare ah iyo wadahadalka cimilada, iyo cunaqabateyn shakhsiyadeed oo lagu soo rogay Nancy Pelosi iyo qoyskeeda.

Washington xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Taiwan, laakiin sida uu dhigayo sharciga Mareykanka, waa in uu siiyo taageero ay jasiiraddu isku difaaci karto.

Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ayaa Sabtidii iyo Axaddii ku qul-qulayay marin-biyoodka Taiwan, iyadoo qaarkood ay ka gudbeen xudduud-badeedka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Taiwan.

Intii lagu guda jiray dhoolatuska milatari ee aan horay loo arag, Shiinaha ayaa in ka badan 12 gantaal oo ballistic ah ku riday xeebaha Taiwan, sida ay sheegtay wakaaladda.

Maamulka Taiwan ayaa arrintan ku tilmaamay isku day lagu qabsanayo dhulkooda oo ay sheegeen in ay uga fal celiyeen “hab ku habboon”, iyagoo diyaaradahooda iyo maraakiibtooda dagaalka howlgeliyay subaxnimadii Axadda.

Raysul wasaaraha Taiwan, Su Zhengchang ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta Shiinaha inay si kibir ah u adeegsadaan dhoollatuska milateri, si ay u carqaladeeyaan xasilloonida Gobolka.