Raila Odinga oo ku horeeya tirinta Codadka Doorashada Kenya

Hogaamiyaha Mucaaradka ah ee Raila Odinga, ayaa ku Hoggaaminaya Tartanka Madaxtinimada Kenya, sida ay muujinayso natiijada rasmiga ah ee Doorashada Dalka Kenya.

Codadkii la tiriyay in ka badan 26% ayaa Odinga waxa uu helay 54% halka Ruto uu helay 45%,sida ku cad natiijada ay soo saareen guddiga doorashada Kenya oo lagu soo bandhigay shaashad weyn oo ka dhacday xarun qaran oo ku taal caasimadda Nairobi.

Dalka ugu qanisan Bariga Afrika uguna dimoqraadiyada firfircoon ayaa Talaadadii ay ka dhacay doorashooyin madaxtinimo, Baarlamaan iyo Deegaan.