Hotel Xayaat waa lasoo afjaray,balse Fahad lama soo afjarin !!

Soo afjarida hawlgalkii la dirirka argagixisada ee Hotel Xayaat waa guul.

Balse,waxaan soo afjarmin saamayntii Fahad ee laamaha amaanka.

Dowladu waa in ay sifaysaa Dhag-dhegeeye,Talye Unug ilaa Talis Ciidamada Sirdoonka iyo Booliska.

Argagixisadu meel fog kama imaan ee Ciidankay ku dhex jirtaa,waana qorshihii Fahad dhisay.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisu meeshii laga rabay in ay ku mashquulaan fariisinta Dowladnimada Fahad fool xumeeyay ayay ku walaahoobeen Qanimaysi beelaysan.

Maanta oo kaliya Dowlada,waxaa looga faa’idaystay Sadex dhacdo oo muhiim ah..

1.Amnigii oo lagu ceebeeyay.
2.Farmaajo Xasaanad helay.
3.Axmed Madoobe oo Sanad ku darsaday.

Shaqaa idin taala fariimo aad ku toostaana waad hesheen.

Jibril Qoobey.