Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gacmo maran kala tagey Garowe

Madaxweyne Xasan Shiikh waxuu ka anba baxay Garowe,isagoo Gacmo maran.

Heshiis la’aan in uu Puntland ka laabto waxay ku tahay Dharbaaxo Siyaasadeed weliba xiligan 100-ka Maalmood ubuuxsamayay.

Somaliya,waxaa lagu qiimeeyaa oo wax lagu qaybsadaa Somaliland,Puntland iyo Bartamaha iyo Koonfurta.

Puntland in aysan Gacantiisa ku jirin,waxay ka dhigan tahay in Sadex meelood oo meel Somaliya uusan hogaaminayn.

Si kale hadii loo dhigo Somaliya waa 6-Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir Madaxweyne Xasan Shiikh mahayo mid ka mid ah marka laga reebo Xamar oo dul fadhiyo.

Soo dhaweyn gobeed,ayaa loogu sameeyay Puntland isaga iyo weftigiisii Maalmihii ay joogeen.

Balse waxaa laga biyo diiday dhamaan fikradihii uu watay marka laga reebo Dekeda Bosaso oo uu ku khasban yahay Saxiixeeda iyo Shidaalka oo uu ku leeyahay oo kaliya ogaansho.

Bulshada Puntland markaad dhex marto si weyn ayay ula dhacsan yihiin sida Madaxweyne Deni umaareeyay safarka Weftiga Fadaraalka.

Dadka reer Puntland waxay aad uga fog yihiin Niyad ahaan Madaxweyne Xasan Shiikh,waxayna aaminsan yihiin in uu xaqiro mar walbana ku abaal furo.

Nin hadal macaan,Salaan qurxoon lkn ficilkiisu qaloocan yahay ayay Dadku ka fahansan yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh.

Waxaa muuqata guud ahaan Somaliya in Dadku isku si ufahmeen oo ubarteen Madaxweyne Xasan Shiikh.