Xasan Shiikh oo isku dayaya in uu Puntland ku sasabo Cad hooseeya

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa caawa magacaabay Labo Ergey oo cusub.

Labadan Ergay waxay Madaxweyne Xasan uqaabilsanaan doonaan Ganacsiga heer caalami iyo maalgashiga iyo Arimaha Shidaalka iyo Gaaska,waxayna kala yihiin…

1.Khadar Cabdirixmaan Faroole,ayaa loo magacaabay Ergayga Ganacsiga iyo Maalgashiga.

2.Axmed Cali Yuusuf,ayaa loo magacaabay Ergayga Shidaalka iyo Gaaska.

“Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Labada Shaqsi ee la magacaabay waxay kasoo jeedaan Puntland.

Dadka reer Puntland,waxay qabaan in magacaabistan ay hadalkii Seneter Gaa-gaab jawaab utahay.

“Waa Labo Ergay oo mansabka lagu magacaabay aad uhooseeyo oo aan reer Puntland macno usamaynayn”Ayuu yiri mid ka mid ah haldoorka reer PL.

Reer Puntland waxay aad ugu doodayaan in Madaxweyne Xasan Beeshiisa ku taxay Darajooyinkii muhiimka ahaa sida Wasiirada ilaa Lataliyayaasha.

Seneter Gaa-gaab oo Shalay ka hadlay kulan ka dhacay Gaalkacyo,ayaa sheegay in Dowlada Xasan Shiikh ee Xamar fadhidaa magac mooyee mansab aysan ku haysan reer Puntland.