Uhuru oo jeediyay khudbad uu ka ilaalshay magac dhabida Ruto

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta awoodda madaxweynaha, kadib khudbad lasoo duubay oo uu u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo.

Kenyatta, wuu ka fogaaday in uu in magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo ‘dhammaan kuwii guulaystay.’

“Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharciga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna” ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa si weyn u taageeray musharraxa laga adkaaday ee Raila Odinga.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah ku taageertay doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, kaddib go’aan loo dhan yahay, sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome, taasoo meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.youtube.com/watch?v=WEy68aYvthc