Gurigii Trump oo laga helay Waraaqo sir ah

Wargeyska Washington Post,ayaa daabacay in waraaqihii ay FBI-du ka soo qaaday guriga Madaxweynihii hore ee Trump inay ku jireen qaar ka hadlaya macluumaad sir ah oo ku saabsan awoodda difaaca ee dal kale, oo ay ku jiraan hubka nukliyeerka ee uu haysto.

Washington Post ayaa sheegtay inay warbixinta ay daabacday ay ku salaysay macluumaad ay ka heshay saraakiil u dhuul daloola arrintan, hase ahaatee wargeysku muu magcaabin dawladda shisheeye ee ku xusan waraaqaha sirta ah ee laga soo qaaday guriga madaxweynaha hore ee Trump.

Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar ka mida macluumaadka iyo waraaqaha laga soo ururiyey guriga Trump bishii August 8-deedii, inay ka hadlayaan hawlgallo uu Maraykanku sameeyey oo sir ah oo aanay xattaa ka warhaynin xubno badan oo ka mida saraakiisha sarsare ee dhinaca amnigu.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa baadhaysa haysashada macluumaadka difaaca ee qaranka iyo dedaalada la doonayey in lagu hor-istaago baadhitaankooda.

Intii lagu guda-jiray baadhitaankii ay hay’adda FBI-du ka samaysay guriga Trump bishii August, waxay gurigaas ka soo heleen illaa 11,000 oo dhokumenti ah oo 100 ka mid ah lagu ah lagu calaamadiyey inay yihiin macluumaad sir ah.

Madaxweyne Trump oo xafiiska ka tegey bishii January ee sannadkii 2021 ayaa Aqalka Cad hore uga sii qaatay waraaqo badan, hase ahaatee qaybo badan oo ka mida waraaqahaas wuu soo celiyey bilihii January iyo June ee sannadkan. Hase ahaatee xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka ayaa amar ku bixiyey in la baadho guriga madaxweynaha hore ee Trump, ka dib markii uu baadhistaas ogolaaday garsoore heer federaal ah.

Trump ayaa ka soo horjeestay baadhista lagu sameeyey gurigiisa, isaga oo codsaday in la magcaabo khabiir si gaar ah u eega macluumaadkii ay FBI-du ka soo ururisay gurigiisa, si loo go’aamiyo in qaar ka mida dib loogu celiyo.

Isniintii toddobaadkan ayaa maxkamad heer federaal ahi waxay ogolaatay codsiga Trump, isaga oo u qabtay in maalinta Jimcaha ee toddobaadkan ay labada dhinac ku soo gudbiyaan magacyada dadka ay doonayaan in laga dhigo khabiirka sida gaarka ah u eegaya macluumaadkii ay hay’adda FBI-du ka soo ururisay guriga Trump.