Dowladiii hoose Ee Gaalkacyo markale ayay uduntay maamul xumo iyo musuq

Maamulka Gobolka Mudug si fiican,ayuu ushaqaynayaa.

Laamaha amaanka Mudug hawkgalkoodu waa sareeyaa.

Balse Dowlada hoose ee Magaalada Gaalkacyo Dhulkay taalaa.

Weli nasiib uma helin Duq Magaalo oo uqalma Magaaladan muhiimka u ah Puntland.

Gaalkacyo Sanadkii waxay soo saarataa Canshuurteeda Dowlada hoose 1,200.000-kun dolar.(Hal Milyan iyo Labo Boqol kun oo Dolar) inta la diiwaan geliyo,waxaase la lunsadaa intaa in le’eg.

Waa dhaqaale wax badan looga qaban karo baahiyaheeda…

1.Nadaafadu aadbay uhoosaysaa.
2.Laamiyadii JLPG dhawaan laga dhisay Dayac ayay uburbureen.
3.Maleh hal goob oo lagu nasto.
4.Maleh Hal Wado oo qurxoon.

Madaxweyne Deni xaqiiq markii laga hadlo waa udadaadalay Magaalada oo si gaar ah Dowladeeda hoose,waxuu uga dulqaaday caqabado hor taagnaa si ay udhaqaaqdo…

1.Ciidamo fara badnaa oo ka Mushahaar qaadan jiray,waxaa loo wareejiyay Booliska.

2.Lacag Dayn ah oo lagu lahaa waa ka bixiyay.

3.Waaxyaha Maamulkeedana waa hufay.

4.Duq Magaalo oo markaas joogayna waa ka badalay.

5.Shaqaale been abuur ahaana waa kala cayriyay.

Nasiibdarada dhacday,ayaa waxay noqotay Duqii la keenay,ayaa ahaa Nin lehTaariikh Madow oo horay ulunsaday Dhaqaalihii Wadada Galkacyo-Garowe mar uu xukumay hay’ada PHA.

Dadku waa ka naxeen,waxaase laysku qanciyay in uu isa sixi karo oo hadii la garabgalo wax la qaban karo.

Maxamuud Cabdinuur maalmihii ugu horeeyay,ayuu xoogaa ismuujin ah sameeyay oo indhaha Bulshada iska jeediyay,kadibna dhaqankiisii,ayuu bilaabay.

Saakay waxuu ka mid yahay Taajiriinta sida fudud ku hodmay…

1.Guri,ayuu si deg-deg ah uga dhistay Nayrobi Qoyskiisana waa urartay.

2.Shirkad Real State ah oo Dhulka ka Ganacsata iyo Xaafiis weyna Nayrobi ayuu ka samaystay.

Dowladiii hoose ee Gaalkacyo markale,ayay uduntay maamul xumo iyo musuq.

Madaxweyne markale dib u Eeg Dowladeeda hoose.

Jibril Qoobey.