Abiy oo maka badbaadi doonaa siriqda Gudiga Doorashada?

Warka kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka Itoobiya ee waxba kama jiraanka ka dhigay Doorashadii Abiy ku noqday ra’isalwasaaraha,ayaa loo aanaynayaa in ay ka danbeeyaan dhawr arimood oo isbiirsaday…..

1.Beesha caalamka oo saamayn ku leh Gudiga Doorashada.

2.Dagaalka Tigreega oo ay aamineen Amxaarada xagjirka ah in Abiy uga dan leeyahay wiiqida awooda Labada Qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigreega.

3.Hanti dhawrka Dalka oo Abiy amray in uu baaro musuqa ka jira Deegaamada talaabana ka qaado Madaxda lagu helo.

Warkan,waxaa la filayaa in uu saamayn ku yeesho awooda Dowlada Dhexe ee Kilimada.

Sidoo kale Abiy oo awalba ay ku furnaayeen dagaalka tooska ah ee Tplf,hoos udhaca dhaqaale,sicir bararka iyo cadaadiska caalamka,ayuu midkana ugu darsoomay.

Su’aasha taagan waa Abiy maka badbaadi doonaa siriqdan??

Jibril Qoobey.