Dowlada Fadaraalka oo laga codsaday in ay fasaxdo Lacagta Gargaarka

Kadib kulamo Saddex maalmood ah oo Wasiirrada Wasaaradaha bani’aadantinimada DG ay ku yeesheen magaalada Baydhaba waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

Wasiirada Gargaarka ee heer DG,ayaa sheegay in ay maalin walba xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ay sii adkaanayso.

Bilaha October iyo December,ayaa laga digay haddii aan la helin gargaarka looga hortagayo Abaarta in ay dhici doonto dhibaato bani’aadaminnimo.

Wasiirrada arrimaha bani’aadaminnimo ee DG,ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka caalamiga ah in ay diiradda saaraan meelaha ay adag tahay in la gaaro si loo caawiyo dadka dhibaataysan, waxna looga qabto barakaca Dadka ee goobahaas.