Taliska Booliska Puntland iyo Taliska Booliska Sweden oo kulmay

Taliyaha Ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi oo kulan laqaatay dhigiisa dalka Swedan.

Xarunta Taliska waxaa Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi iyo Saraakiisha hogaanada Ciidanka Booliska ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Swedan iyo saraakiisha Booliska ee arimaha Dibada.

Masuuliyiinta ayaa kawada hadalay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya ciidanka booliska labada dhinac waxaana shir ay wada qaateen looga hadlayay sidii loo sugilahaa amniga doorashada Qof iyo Cod iyagoo ku lafa guray sidii Booliska dalka Swedan ay uga qayb qaadan lahaayeen khibrad wadaag ku aadan sugida amniga doorashada.

Taliyaha Ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa uga mahad celiyay Dhigiisa dalka Sweden sida wanaagsan ay had jeer ugarab taagan yihiin isagoo xusan in inta ay joogaan Dalka Swedan kulamada ay kuleeyihiin ay ka rajaynayaan kuwa mira dhal ku soo dhamaada.

DHAMMAAD

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland