Madaxweyne Xasan oo si hoose loogu qaabilay Aqalka-cad

Madaxweynaha Somaliya,waxaa qaabilay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan,waxaana loo sameeyay salaan kooban,iyadoo lagala hadlay Argagixisada iyo Abaaraha.

War-saxafadeedka waa kan”

Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan.
ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kulan lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.

Mr. Sullivan, oo ay wehelinaysay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Amniga Gudaha Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, ayaa ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya shaqada ay ugu jiraan dhisidda talo qaran iyo ka hortagga khatarta argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Mareykanka iskaashiga milateri iyo midka rayidka ah ee socda si loo dhiso Soomaaliya xooggan, xasilloon oo nabad ah.

Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ka wadahadleen muhiimadda dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u cusboonaysiinta isku-dubbaridka u dhexeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka si loo horumariyo dawladnimada, ilaalinta sharciga, bixinta adeegga, iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay hoosta ka xariiqeen saaxiibtinimada dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay inaan xoojinno dadaallada wadajirka ah ee aan ku xoojineyno awoodda Soomaaliya ee ka hortagga Al-Shabaab iyo dhisidda mustaqbal daboolaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Waxay walaac ka muujiyeen abaarta ba’an ee Geeska Afrika, taasoo si weyn u saamaysay Soomaalida, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo gargaar bini’aadantinimo oo dheeri ah. Dhaqaalaha Mareykanka uu wax kaga qabanayo abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ka badan $706 milyan oo doollar sanadkan oo kaliya, taasoo ka dhigan in ka badan kala bar dhammaan lacagaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya.